Sign in to follow this  
Deeq A.

MW Siciid Deni oo farriin culus u diray ganacsatada Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxwaynaha Puntland, Mudane Siciid Cabdulaahi Maxamed (Deni) aya kula hadlay guriga gobalka, waxgaradka qaybihiisa kala duwan, ganacsato, madaxda shirkasaha isgaarsiinta iyo guddiyada ganacsatada yar ee suuqlayda ah kuwaasi oo maalmihii ugu dambeeyay muujiyay cabasho la xiriirta qaadashada shilin Soomaaliga iyo sare u kac baahsan oo ku yimid qiimaha lacageed ee lagu kala badasho lacagaha qalaad.

Siciid Deni ayaa ku dheeraaday ka hadlida sababta keentay hoos u dhaca ku yimid shilin Soomaaliga iyo sicir bararka wadajira, isaga oo eeda ugu wayn ee arintaasina dusha u saaray ganacsatada waa-wayn ee wax soo dajiya ama dhoofiya oo uu sheegay inay yihiin kaliya faa’iido doon aan marnaba eegeyn danta bulshada iyo dan-yarta midna.

Sidoo kale wuxuu fariin adag u diray ganacsatada Puntland, gaar ahaan kuwa magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

 

Arrintan ayaa ku soo aadeysa, iyadoo inta badan deegaanada Puntland uu ka jiro jah wareer ka dhashay diidmada lacagta shilinka Soomaaliga ah iyo sare u kaca Doller-ka.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this