Sign in to follow this  
Deeq A.

Makamadda G/Banaadir oo maanta go’aan ka gaareyso kiiskii marxuumad Xamdi

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa markale maanta uu fariisan doonto dhageysiga dacwadda ka dhanka ah dilkii iyo kufsigii Muqdisho loogu geystay marxuumad Xamdi Maxamed Faarax, 12-kii September ee sanadkan 2020-ka.

Kiiskan ayaa waxaa loo soo qabtay shaqsiyaad uu ku jiro Maxamed Ibrahim Cismaan oo gacanta lagu soo dhigay, isaga oo ku sugan magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud.

Maxamed ayaa qirtay in marxuumadda uu geeyey hotelka lagu kufsaday, laguna dilay oo ku yaalla degmada Waabari ee gobolka Banaadir.

Maxkamadda ayaa dhowr jeer oo kala duwan fadhiyo ka yeelatay kiiskan oo muddo soo jiitamayey, iyada oo la filaya in maanta oo Arbaco ah ay soo gaba-gabeyso.

Sidoo kale waxaa dhageysiga maxkamadda qeyb ka noqon doono ehellada marxuumada, xildhibaano iyo dadweyne kale.

Allaha u naxariistee marxuumad Xamdi Maxamed Faarax oo sanadkan ka qeyb gashay imtixaanka dowladda ayaa falka arxan darrada ah ee loo geystay waxaa si isku mid ah u cambaareeyey dhammaan dadka Soomaaliyeed, kadib markii la’isugu daray kufsi iyo dil.

The post Makamadda G/Banaadir oo maanta go'aan ka gaareyso kiiskii marxuumad Xamdi first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this