Sign in to follow this  
Deeq A.

MW Lafta Gareen oo ka hadlay arrinta Gedo & tan gobollada Waqooyi

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa hadal jeedintiisii shalay kaga hadlay arimaha amniga, doorashooyinka, arimaha Siyaasadda loo dhanyahay iyo Hormarada degmooyinka ay ku tilaabsadeen.

Lafta-gareen ayaa sido kale ka hadlay arimaha siyaasadda loo dhanyahay ee Koonfur Galbeed oo Hormaro laga gaaray sida Dib-u-Heshiisinta, Xasiloonida Siyaasadeed, Deganaansho, Hirgelinta Dhismaha Golaha Degaanka Degmooyinka.

Madaxweyne Cabdicasiis Lafta-gareen ayaa sidoo kale Madasha kaga hadlay Arimaha doorashooyinka Waxaana uu sheegey inay muhiim tahay hirgelinta heshiiskii 17 Sep 2020 lagu soo gaaray Magaalada Muqdisho ee u dhaxeeyey Madaxda Dowlada Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada ee la”isku Raacay Doorasho waqtigeeda ku qabsoonta Waafaqsan Heshiiska. Waxaana uu Sheegay Madaxweynaha in Marwaliba ay diyaar u yihiin Fulinta Qodobadii lagu Heshiiyey.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in heshiiskaasi aysan qeyb ka aheyn arrinta gobolka Gedo iyo siyaasadda gobollada Waqooyo ee lagu mursan yahay, sida uu hadalka u dhigay.

Ugu Danbayn Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa ka Codsaday siyaasiyiinta iyo qeybaha kala duwan Bulshada in laga wada shaqeeyo Hormarka Dalka si aan Dib loogu Noqonin Cidwaliba oo ka shaqaynaysa Hormarka Dalka ayuu sheegay Madaxweynaha inuu Garab taaganyahay.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this