Sign in to follow this  
Deeq A.

RW Rooble oo billaabayo wada-tashiyo ku aadan doorashooyinka

Recommended Posts

Deeq A.   

Kadib khudbad uu ka jeediyey furitaanka shirka iskaashiga Soomaaliya & saaxiibada caalamka ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa waxa uu kaga warbixiyey dadaallada ay wado xukuumaddiisa ee ku aadan doorashada soo socota ee isugu jirta tan baarlamaanka iyo madaxweynaha.

Ra’iisul wasaaraha ayaa marka hore shaaca ka qaaday in doorashada ay ku dhici doonto waqtigii loo asteeyey, si looga baaqsado inuu yimaado dib u dhac.

Rooble tilmaamay inuu bilaabi wada-tashiyo guud oo ku aadan doorashada, islamarkaana uu safaro kala duwan ku tegi doono magaalooyinka Garowe, Gaalkacyo iyo Dhuusamareeb.

Sidoo kale intaasi ku daray in markale ay shir isugu imaan doonaan madaxda dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo kuwa dowlad goboleedyada ka jira dalka, kaas oo looga arrinsanayo muranka weli ka taagan arrimaha doorashooyinka dalka ee dhacaya 2020/21.

Doorashada Soomaaliya oo lagu sii dhowaanayo ayaa waxaa hareeyey khilaafaad u dhexeeya dowladda, maamul goboleedyada qaar iyo hoggaamiyeyaasha mucaaradka.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this