Deeq A. Posted December 7, 2020 Gudoomiyaha Xisbiga Jamuuriga Somaaliyeed Cabdinuur Axmed Darmaan ayaa ku baaqay in laga wadda shaqeeyo in ay dalka ka qabsoonto doorasho loo dhan yahay, xilli uu jiro khilaaf culus. Cabdi Nuur Darmaan ayaa ku baaqay in dalka ay ka dhacdo doorasho xalaal ah oo loo dhan yahay, oo ay ka qeyb galaan siyaasiyiinta Soomaaliyeed Ururada Bulshada rayidka ah, Haweenka iyo Daneenayaasha Arrimaha Soomaaliya, taasi oo uu sheegay in ay noqon karto Doorasho daah furan oo xalaal ah. Siyaasiga Darmaan oo arrimo shaqo u jeegay dalka Maraykanka ayaa sheegay in xiligan dalka uu marayo meel xasaasi ah, waxa uuna ku baaqay in wixii colaad iyo tabashooyin siyaasadeed ah dhinac layska dhigo loona wadda guntado siddii dalka looga saari lahaa xaaladdan adag. Darmaan ayaa madaxda iyo dadka Soomaliyeed ugu baaqayn in la dhawro dawladnimadda, si taas u dhacdo, wuxuu madaxda dalka dhammaantood ka codsaday in laga wada shaqeeyo inay qabsoonto doorasho loo dhan yahay, ayna kawada qayb galaan daneeyeyaasha siyaasadda sida madaxda dawaladda dhexe, dawlad-goboleedyada, bulshada rayidka ah, musharaxiinta, haweenka, dhallinyarada, culumadda Iwm. Darmaan ayaa sidoo kale dawladda Maraykanka ka codsaday in ciidamadda Maraykan aan dalka Soomaaliya laga saarin xilligan, islamarkaana taxadar gaar ah la siiyo bixitaanka ciidamadan. Wariye Cabdixakiim Cilmi Xasan Nairobi, Kenya Cabdixakiin441@hotmail.com Tel: +254/711830393 The post Darmaan oo baaq kasoo saaray doorashada dalka first appeared on Caasimada Online. Share this post Link to post Share on other sites