Deeq A. Posted December 6, 2020 Boqolaal dadweyne ah ayaa maanta mudaharaad ka sameeyay magaalada Gorawe, kuwaas oo ka cabanacay sicirbarbar baahan ee ka jira degaannada Puntland. Mudaharaadka oo ahaa mid nabdoon ayaa dadweynuhu socod ku mareen wadada halbolwlaha ee magalaada, iyadoo tegay xarunta Baarlamaanka Puntland. Qaar kamid ah mudaharaadayaasha oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ay ka cabanayaan sicirbararka ka jira Puntland oo ugu horreeyo sarifka lacagaha Soomaaliga iyo doolarka. Mudaharaadayaashu waxay dowladda ka codsadeen in ay jaangoyso sarifka lacagta oo ninba inta uu doono ku sarifayo. Dhanka kale waxaa maanta oo Axad ah xirnaa inta badan ganacsiga magaalada Garowe. PUNTLAND POST The post Mudaharaad ka dhacay Garowe appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites