Deeq A. Posted December 6, 2020 Wararka laga helayo gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya ayaa sheegaya in markale dagaalyahanada Xarakada Al-Shabaab ay weerar ka geysteen gobolkaasi. Weerarka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa lagu ekeeyey saldhig ciidamada Booliiska Kenya ay ku leeyihiin deegaanka Sheekh Barrow oo ka tirsan magaalada Mandera. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in weerarka kadib uu dagaal toos ah ka dhacay halkaasi, kaas oo u dhexeeyey ciidamada Booliiska Kenya iyo raggii weerarka qaaday. Al-Shabaab oo ka hadashay weerarkaasi waxa ay sheegatay inay ku gubtay labo gawaari oo ay lahaayeen ciidamada dalka Kenya, sida ay hadalka u dhigtay. Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka saraakiisha Booliiska Kenya oo ku aadan weerarkaasi iyo dagaalka xigay intaba. Dagaalyahanada Al-Shabaab ayaa inta badan weeraro khasaare geysta ka fuliya gobolka Waqooyi Bari oo dhaca xadka ay wadaagaan dalalka Soomaaliya & Kenya. View the full article Share this post Link to post Share on other sites