Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddiga doorashada dadban oo doortay guddoon

Recommended Posts

Deeq A.   
BG5I6208_copy-324x235-1.jpg?resize=324%2

Guddiga heer federaal ee doorashada dadban ayaa maanta kulan ay Muqdisho ku yeesheen ku doortay guddoon.

Guddiga ayaa gudoomiye u doortay Maxamed Xasan Maxamed oo helay 17 cod, halka ninkii la tartamay Liibaan Abuukar Cismaan uu helay 3 cod, waxaana kulanka ku suganaa 20 xubnood oo kamid 25-ka xubnood ee guddigaas.

Sidoo kale guddiga ayaa gudoomiye ku xigeen u doortay Mowliid Mataan Salaad oo helay 19 cod , halka musharixii la tartamay Yuusuf Maxamed Khayr uu tanaasulay doorashada ka hor.

Guddiga ayaa ku xareysan hoteel ku yaalla Muqdisho, waxaana ka maqan xubnihii heer dowlad goboleedyada Puntland iyo Jubbaland.

Qaar kamid ah musharraxiinta madaxweynenimada ayaa horey walaac uga muijiyay xubno kamid ah guddiga doorashada dadban.

PUNTLAND POST

The post Guddiga doorashada dadban oo doortay guddoon appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this