Sign in to follow this  
Deeq A.

DF Soomaaliya ‘oo gacanta ku dhigtay’ madixii dilalka u qaabilsanaa Al-Shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa ayaa waxaa laga helayaa howl-gal qorsheysan oo saacadihii la soo dhaafay ciidamada dowladda Soomaaliya, gaar ahaan kuwa Danaba ay ka sameeyeen qeybo ka mid ah gobolka Shabeelaha Hoose.

Howl-galka oo ka dhacay degmada Wanlaweyn ayaa waxaa lagu qabtay sarkaal sare oo ka tirsan Al-Shabaab, kaas oo magaciisa lagu sheegay Maxamuud Maxamed Sheekh Cali.

Saraakiil ka tirsan ciidamada Xoogga dalka oo ka warbixiyey howl-galkaasi ayaa sheegay in sarkaalka la qabtay uu Al-Shabaab u qaabilsanaa dilalka qorsheysan.

Sidoo kale waxa ay tilmaameen in habeen hore uu soo gaaray degmada Wanlaweyn, kadibna ay ka war-heleen, iyada oo ay ciidamadu u daadeen gurigii uu ku sugnaa.

Weli ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca kooxda Al-Shabaab oo ku aadan soo qabashada sarkaalkaasi.

Muddooyinkii u dambeeyey ciidamada huwanta ayaa kordhiyey howl-gallada iyo dhaq-dhaqaaqyada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda koonfurta iyo bartamaha dalka.

The post DF Soomaaliya 'oo gacanta ku dhigtay' madixii dilalka u qaabilsanaa Al-Shabaab first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this