Deeq A. Posted December 4, 2020 Wasiirkii hore ee waxbarashada xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya Xildhibaan Cabdullahi Goodax Barre ayaa si adag uga hadlay xaaladda HirShabelle, gaar ahaan xiisada ka taagan magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan. Goodax Barre ayaa qiil u yeelay jabhadda uu hoggaamiyo Janaraal Xuud, taasi oo uu sheegay inay ka dhalatay markii la handaad uu sheegay in lagu hayo reer Hiiraan, sida uu hadalka dhigay. Sidoo kale wuxuu ka soo horjeestay in madaxweyne Cali Guudlaawe lagu caleemo saaro magaalada Beledweyne, taasi oo uu ku qeexay inay bahdil iyo wax laga xumaado. Hadalkan ayaa ku soo aadayo, iyada oo maanta dagaal u dhexeeyey ciidamada dowladda Soomaaliya iyo Jabhadda Janaraal Xuud uu ka dhacay gudaha magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan. View the full article Share this post Link to post Share on other sites