Sign in to follow this  
Deeq A.

Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Puntland oo war ka soo saaray Cabashooyinka la xiriira Sicir-bararka

Recommended Posts

Deeq A.   
Difaacahaaas.jpg?resize=1000%2C776&ssl=1Guddoomiyaha Xafiiska Difaacaha

Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Puntland, ayaa maanta oo Jimce ah war ka soo saaray cabashooyinka iyo dibad-baxyada ka dhashay sicir-bararka ee ka dhacay magaalooyinka Puntland.

Qoraal ka soo baxay Xafiiska Difaacaha, ayaa lagu xasuusiyay Madaxda iyo Golayaasha kala duwan ee Puntland, in ay waajib tahay ka jawaabidda cabashootinka muwaadiniinta ee la xiriira xaaladda Sicir-bararka ba’an ee saameeyay Shacabka Puntland.

Sidoo kale, Xafiiska ayaa Laamaha Amniga Puntland ku boorriyay, in ay ilaaliyaan Xuquuqda Dastuuriga ah ee Bannaan-baxayaasha ka cabanaya Sicir-bararka, islamarkaan ay taddar ka muujiyaan wax kasta oo khatar ku ah Nolosha muwaaddinka.

Hoos ka akhriso Qoraalka

Difaacaha.jpg?resize=994%2C1440&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Puntland oo war ka soo saaray Cabashooyinka la xiriira Sicir-bararka appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this