Sign in to follow this  
Deeq A.

Masaajid la dhisay qarnigii 12aad oo Daacish dumisay oo UNESCO dib u dhisayso

Recommended Posts

Deeq A.   

Masaajid la dhisay qarnigii 12 oo Daacish dumisay oo UNESCO dib u dhisayso

Masaajidka Annuuri
Masaajidka Annuuri

Ka dib markii ay kooxda la baxday Dawladda Islaamku burburisay masaajidka caanka ah ee Annuuri ee ku yaal magaaalada Muusil ee Ciraaq iyo labadiisa minnaaradood, ayaa hay’adda UNESCO ballan qaaday in ay dib u dhisi doonto. Laakiin arintaasi waxa lagama maarmaan u noqday in xal loo helo dhibaatooyinka dhisme iyo kuwa farsamo ee kakan iyo sidoo kale halista soo food saaraysa nolosha shaqaalaha fulinaya hawshaas.

Masaajidka iyo minaaradihiisa ayaa ahaa astaanta ugu caansan ee magaalada Muusil ee xarunta gobolka Naynawa ee Ciraaq, waxaana lamaystiray sannadihii 1172 iyo 1173 ee cahdigii Nuuradiin Maxmuud Sinki, amiirkii waagaa xukumi jiray Muusil iyo Xalab oo ka mid ahaa Saljuuqiyiintii Turkiga ahaa.

 

Dhismahaa sagaalka qarni ku yaalay badhtamaha magaalada qadiimka ah ma ahayn oo keliya goob lagu cibaadaysto, laakiin waxa uu sidoo kale ahaa marag taariikheed oo muujinaya hodantinimadii magaalada iyo kala duwanaanshihii dhaqan ee ka jiray sida kala duwanaanshaha isirka ee dadkii ku noolaa, kala diinta ahaa iyo sidii ay uga horemartay dhinacyada fanka, dhaqanka iyo waxbarashada.

Afar iyo tobankii bishii Juun 2014 ayaa hogaamiyihii ururka Dawladda Islaamka ee waagaas, Abuubakar Al-Baqdaadi, u baxay minbarka masaajidka Annuuri taas oo ahayd markii ugu horraysay ee fagaare lagu arkay ee keli ahayd kuna dhawaaqay inuu yahay Khaliifka Muslimiinta.

Saddex sano ka dib qudbadii Al-Baqdaadi ayaa 21 Juun 2017 ay masaajidka Annuuri burburiyeen kooxdaa jihaad alooska ahi, waxaana daqiiqado gudahood lagu baabiiyey taariikhdii magaalada ee 800 ee sano iyo dheeraadka jirtay oo ka mid noqotay burburka kale ee gaadhay magaalada Muusil ee masiibadu ku habsatay.

Intaan Daacish dumin siduu u ekaa masaajidku
Intaan Daacish dumin siduu u ekaa masaajidku

Maalintaa la burburiyey masaajidka waxaa iyaguna magaalada guluf ay ku qabsanayaan ku hayey oo ku sii siqayey dhanka masaajidka ciidamada Ciraaq, hadii ay ku guulaysan lahaayeenna waxay noqon lahayd guul taariikhi ah oo masaajidka ayaa badbaadi lahaa. Sida ay wararku markaa tibaaxayeenna markii la duminayey waxay ciidamada Ciraaq masaajidka u soo jireen 50 mitir markii qaraxu ka dayaamay gudaha masaajidka.

Kooxda Dawladda Islaamka waxa magaalada laga qabsaday bishii Juulaay 2017 waxaana sidaa ku soo dhamaaday dagaalkii ba’anaa ee dhex marayey dagaalyahannada kooxda iyo ciidamada Ciraaq, ka dibna waxaa bilaabmay hawshii adkayd ee dib u dhiska magaalada.

Madaxii hay’adda UNESCO ee Ciraaq ee sannadkii 2019, Paulo Fontani, ayaa ka mid ahaa dadkii u xusul duubayey qorshaha “dib u dhiska Muusil” waxaanau yidhi “waxaan xasuustaa markii xilkaa la ii magacaabay waagaa sidii aan ugu farxay oo waxaan is halaa tolow cidi ma kugu odhan doontaa kaalay oo naga caawi dib u dhiska magaaladii aan ku dhashay. Goobahaas taariikhiga ahi jiritaankayga ayey qaabeeyeen”.

Dib u dhiska waxaa laga bilaabay in marka hore la baadho maadooyinka agabkii laga dhisay oo godad yar inta laga qodo ayaa muunado laga qaaday la baadhay. Farsamadani waxay sahlaysaa in si fiican loo fahmo dhismaha kiimikaad iyo ka fiisigis ee qalabkii lagu dhisay masaajidka markii ugu horraysay ee la dhisayey qarnigii laba iyo tobnaad. Iyo sidoo kale marxaladihii ka dambeeyey ee dayactirka lagu sameeyey kuwaas oo sahli doona in masaajidka dib loogu dhiso si aad ugu dhaw qaabkii ugu horeeyey ee masaajidka loo dhiso.

Qorshahani wuxuu ahaa mid dheer oo dhib badan, safmarkan fayraska karona ayaa isaguna keenay in ay hawshu hakato sannadkan 2020 badankiisa waxaana la filayaa in masaajidka dayac tirkiisa la dhamaystiro sannadka 2023.

.
.

Sidaas oo ay tahay ayaa dib u dhiska guud ee magaalada Muusil qudheedu yahay hawl aad u baxaad weyn suurto galna ma aha, mana kafayn karayso hawsha ay waddo UNESCO . Magaalada waxa ku yaal in ka badan 5000 oo dhisme oo khasaare gaadhay, waxaana loo baahan yahay ugu yaraan laba bilyan oo doolar si dib loogu dhiso magaalada.

Najib Miikhaa’iil oo ah madaxa baadariyada Kaniisadda Al-Kaldan ee Muusil ayaa yidhi “qoysas badan ayaa ku soo noqday Muusil oo waxay u yimadeen guryaheedii, masaajidadii, kaniisadihii, xafiisyadadii iyo matxafyadii oo wada dunsan, sidaa awgeed ayaanan anagoo gacmaha is haysanna oo garbaha isku kayna u nadiifinaynaa Muusil oo dib u dhisaynaa, ma aha uun in aanu dhismayaasha hagaajinayo ee sidoo kale waxaanu dhisaynaa ruuxdeeda”.

Shaki kuma jiro in dedaalkani noqon doono mid hawl badan laakiin soo kabashada Muusil kuma koobna oo keli ah dhismaha dhagaxa iyo ciidda ah laakiin waa in la soo celiyaa ruuxdeedii oo la nooleeyaa nolosheedii dhaqan iyo faneed ee mudo dheer gaarka ka dhigi jirtay. In la soo celiyo muusigii, fankii iyo barashadii suugaanta oo ah wixii aasaaska u ahaa bilowgii dhismaha magaalada, waana waxyaabaha lama huraanka u ah dhismaha mustaqbalka magaalada.

“Dadkii halkan deganaa ayaa hinsiday qoraalka, waa noloshayada halkani waa halkii aadamuhu ka farcamay waana dhaqankayagii waxani” ayuu yidhi Najiib

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this