Sign in to follow this  
Haaraahur.

See tahay?

Recommended Posts

Teer iyo saake sidaan u kalahay waan shaaqaynaaye maadama ay tahay jimce oo mushaarkii soo dhacaayo waaxaan is iri bal ciddi wax u d i r.

 

Anigoo fakirsan oon garan la’ qofkaan intaan yar aan haysto ku tuuro yaan baskii soo racay. Ma abti oo duqowbay oo xaanuun san ayaan u diraa. Mase ilmihii agoontii oo aabahood lagu dilay inay isku qabiil ahaayeen nin dad dilay. Intay ka aarsan lahaayeen qofkii wax ka dilay ayay ka jeclaadeen inay qabiilka ninka wax dilay dadkoodi ugu fiicaan ka dilaan. Waayo ninkooda in nin qiima badan in loo dilo nin ka qiima badan kuu wax dilay ayaa laqumanaatay.

 

Koox ina abtiyaashay oo salaadii subax tukadeen markaas qaarna tukanaayaan ayay xabad ku firdhiyeen.

 

Mase abtiyaashii oo xoolaha ka dhamaadeen yaan u diraa! Mase ilmihii rajada ahaa?

 

Anigoo daalan oo habeenkii ka horeeyey duruus ku soo jeeday ayaan wacay sooomaliya. Dad badan baa ka xumaaday markay maqleen hebel iyo hebel in aan u soo diray oo leh anagana miyaan isku dhiig ahayn? Miyaanan anaguna dhib nahaysan?

 

Warkoodi siduu iigubay haddaan lacag heysto iyaga iyo wixii dhiban soo wax kama siiyeen? Sidaan intaan ku keenay RAXMAAN Baa Ogaa!

 

“Habaryareey yaa ugu litaa intaan un baan haayaaye” baan ku iri.

 

Dad tiro badan ayay ii sheegtay oo aan garanaynin. Dhib maleh habaryay waalidkay ayaa u sheegi oo kala yaqaan. “Ka doon xawaalada beri” ayaan ku iri.

 

Waxay tiri “ Habaryar waan gargariiraynaa oo deriskeeni ayaa madfaco ku dhaacay! Xamar meel laga qaxo oo laga cararay oo cidlaa ayay noqotay. Ma ogi inaan beri ka dooni karo?

Waxay sugaysay in uu madfac ku dhaco daqiiqad kaste! Iyada iyaa baadiyo inoo dhaxayso. Waagi maxkamadaha haysteen siday u kalsoonayd iyo hadda siday naftoodi ula cabsanayaan kala duwanaa!

 

Hadda waxaan ka cabsanaa haddaan waco gurigeeda oo la iga qaban waayo! Inan iska ooyo wax yar ayaa iiga dhiman.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Waxba ha ooyin ee iska dul qaado ,,, aduunka wax waliba way ka dhacaan insha Allah mar uun baana laga bixi doonaa dhibaatadaas ,,,

Share this post


Link to post
Share on other sites
Paragon   

Waan fiicnahay, marka hore. marka labaad, adigu see tahay?

 

Run ahaantii waa qiso murugo leh oo qiiro iyo qarracan ku abuurta naf waliba. Saxansaxo, aad ayaan uga xumahay arrintan la soo deristey eheladaa, waxaanan Eebaheen ka baryayaa in uu, Isagaa Qafuuro Raxiim ahe, u maciino guud-ahaan dadyowga Xamar ku tabaaleysan ee madaafiicda iyo hoobiyayaasha lala beegsanayo.

 

Gaaladan iyo gaala-raacda duullaanka nagu ahna cagtooda iyo ciribtoodaba Allaha tirtiro oo cirka haku dumo Idin Alle.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Paragon walaalkay qaaliga ah Aamiin aamiin. Waa ku mahadsantahay kelimadahaada naaxariista leh. Jb adna sidoo kale.

 

Waan ku faraxsanahay inaad fiicaan tihiin dhamaan

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this