Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Somaliland oo qaabilay Safiirka Czech Republic

Recommended Posts

Deeq A.   
1-2.jpg?resize=960%2C654&ssl=1

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabiley safiirka dalka Czech Republic u fadhiya Addisababa, Amb. Jaroslav Zukersein oo safar ku jooga  Somaliland.

Madaxtooyada Somaliland ayaa sheegtay, in Kulankaas lagaga wada hadlay; iskaashiga xiriir rasmi ah oo dhexmara maamulka Somaliland iyo dowladda Czech iyo sidii ay labada dhinac uga wada shaqayn lahaayeen horumarinta waxbarashada, gaar ahaan farsamada gacanta iyo  arrimaha ganacsiga

Sidoo kale, Madaxweyne Muuse Biixi ayaa wefdiga warbixin ka siiyay, xaaladda  Somaliland iyo hormarka ay ka samaysay dhinacyo kala duwan.

Ugu danbayntii, Kulankaas Madaxtooayda Somaliland sheegtay in uu ku dhammaaday is af-garad buuxa, iyadoo madaxweynuhu uga mahadceliyey safiirka safarka shaqo ee uu ku yimid Somaliland

1-2.jpg?resize=960%2C654&ssl=1 2-1.jpg?resize=960%2C668&ssl=1 3-1.jpg?resize=960%2C558&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Madaxweynaha Somaliland oo qaabilay Safiirka Czech Republic appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this