Sign in to follow this  
Jacpher

A tragedy story! Help her if you can

Recommended Posts

Jacpher   

Article about a Somali sister who seriously needs your help. Very sad story. Please help if you can for the sake of Allah. I don't know her or her family but I thought some of us may be able or want to help her. Please ease her pain if you can for Allah to ease your pain when you need it the most.

 

Source: Somalitalk.com

 

 

Deeqo “ Ragga qaarkood naxariisdaranaaâ€

 

waxay u baahan tahay Gacan Banii’aadanimo

 

Nolosho xiiso la’aa, waayuhu xanuun badanaa, marka ruux ku xakaaro oo ku xujoobo Adduunka.

 

 

Deeqo Max’ed Muuse

--------------------------------------------------------------------------------

 

Deeqo Max’ed Muuse oo ah gabar Soomaaliyeed oo 18-jir ah oo daryeel caafimaad loo keenay Magaalada Muqdisho dhawaan, ayaa xiligaan waxay quudka ku cuntaa Suuliga (Musqusha) dhexdeeda, sababo la xiriiira markii la isku furay labada marin ee kaadida iyo saxarada awgeed oo wixii ay cuntaa kuma hakanayaan, Deeqo ayaa waxaa tacadigaan u gaystay 4-nin oo reer Miyi ah.

 

Deeqo Max’ed Muuse oo xiligaa ku nooleyd Miyiga Meyle oo ka tirsan degamada Gaalkacyo waxay ahayd goor barqo ah oo ay Deeqo la joogtay xiligaas geel aan sitaas u badnayn.

 

Waxaa u yimid 4 Nin oo ku hubeysan qoryo gacmeedyada loo yaqaano AK-47 waxay damceen in ay handadaan iyagoo wax ka raadinaya si ay kufsadaan, hase yeeshee Deeqo taas way ka madax adeegtay, nasiib-darase Raggii 4-ta nin ahaa xoog bay wax uga raadiyeen, Deeqo gabarnimadeedii markii ay wax ka qaadi waayeen ayay jeexista bikrada Deeqa u adeegsadeen Beynaad, taasoo keentay dhaawac halis ah iyo isku furan ku yimid labada ib ee saxarada iyo kaadida.

 

Waxyeelada loo geystay Deeqo iyo dhiig bixii soo gaaray waxay keeneen inay miyir daboolanto oo suuxdo, 4-habeennimo ayay reerkoodii ******** kaddibna way soo baadi goobeen waxayna dul yimaadeen Deeqo oo naftii ku daba yartahay, Reerka Deeqo oo sabool ahaa ayaa aad uga walaacay dhibka daran ee loo gaystay gabadhooda, deegaanka oo aysan ka dhaweyn goob caafimaad ayaa tacadigii waxaa maqlay reer ay waa wada deggenaan jireen oo ay saaxiibo ahaayeen, Hooyada qoyskaas oo lagu magacaabo Caasho ayaa deegaankaas ka soo kaxaysay Xamarna loo keenay si loola tacaalo dhibaatadii loo gaystay gabadhaas.

 

 

Amiin Yuusuf oo Waraysanaya Deeqo Max’ed

--------------------------------------------------------------------------------

 

Deeqa Muuse Max’ed waxaa loo geeyay dhaqaatiirta cilmiga u leh arrimahaa oo kale oo ay ka mid ahaayeen Dr. Bashiir Shiikh Cumar oo ka howlgala Isbitaalka SOS iyo Dr. C/Casiis oo isna ka howlgala isla Isbitaalkaas, labadaba waxay caddeeyeen in gabadhaas aan Soomaaliya waxba looga qaban karin, iyagoo intaas waliba raaciyay in gabadhaas ay u baahan tahay dhaqaatiir dibada ah, Hooyo Caasho Cumar Maxamed oo ayadu keentay Magaalada Muqdisho waxay sheegtay in ay goosatay inay reerkoodi ku celiso iyo Tuuladii Meyle maadaama aysan waxba ka qaban karin, hase yeeshee dad baa igu dhaliyay inaan saxaafadda wargeliyo si ay gurmad uga hesho ummadda Soomaaliyeed iyo Hay’adaha gargaarka.

 

Waxay u baahan tahay gacan soomaalinimo iyo mid Bini-aadannimo si ay mar kale ugu soo laabato rajadeedii nololeed, Deeqo markii aan ka qaadayay wareysiga waxay dabadda ku wadatay xafaayad iyadoo ka xun nolosha ay ku jirto, waxayna dadka Soomaaliyeed iyo dadka ku nool dunida ka codsatay in ay siiyaan gacan Bini-aadannimo. Deeqo waxay ka dhalatay beelaha laga tirada badan yahay oo aan hubeysnayn. Hooyadeed iyo Aabbaheed waa dad aan waxba haysan oo xoolihii yaraa oo ay haysteenna ay ka baabi’isay abaaro, waxayna ka codsanayaan dadka soomaaliyaad ee ku nool dalka iyo dibada iyo intii ay ku jirto damiir Banii’aadanimo in gabadhooda iyadoo caafimaad qabta inay u soo laabato.

 

Taleefonka tooska loogala xiriiri karo::

Deeqa Muuse Max’ed waa: 252-1-225030 ama 252-1-654676

 

waxaa wareystey Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail ; amiinkhasaaro@hotmail.com

amiinkhasaaro@yahoo.com

 

kala soo xiriir

Taleefonka reerka

252-1-225030

252-1-654676

 

Taleefonka Amiin

252-1-218180

252-1-655533

 

LINK: http://www.somalitalk.com/deeqo/

 

Faafin: SomaliTalk.com | June 10, 2005

Share this post


Link to post
Share on other sites

homie! she looks healthy! whats the problem! sorry no comprendo af somali!! break down for the qaxooti!!

 

word!!!! :confused:

 

qaxooti #1......>>>* :(

Share this post


Link to post
Share on other sites

Salaan...

 

So, so naxdin and sad.

 

Rudy, basically the article says if that victim girl wants to eat something, she must eat at a washroom because anything she digests directly goes to down to toilet. This happened because four men armed with K-47 tried to gang-rape her while she, as a nomad, was minding the camels. She resisted ostensibly, and they finally used bayonet, tearing open together both her V and anus.

 

As a result, anything she eats now must immediately go--she just can't keep it. She can't help herself and needs immediate medical attention that can't be found in Soomaaliya.

 

"Ragga qaarkood naxariisdaranaa."

 

Ragga qaarkood rag ma'aha waa xoolo, kaba daran qaarkood.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Saalixa   

La Xawla Wala Quwata ila bilah!

 

And you tell me there are good muslims back home? Tanoo kalee waligay ma arag. I do not however agree with the way these people are undertaking this matter. They should not post the girls picture on the internet, and being a very confidential matter they should undertake this in a very sensitive and under private supervision. Insha Alah i will do all my best to spread this and if i find that there is anyone who is collecting aid for this girl in my city i will do all my best.

 

Insha Allah please pray for this girl. And Ducaqabe please if you care for this sister then do not show her picture to everyone and cancel this link NOW!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ilaahey ha u fududeeyo..and i thank you for posting but are there a local contacts or local hawilaads that are collecting donations for her? because most people don't want call that long distance phone..If there is please post it so..

Thanks.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jacpher   

Rayaana:

 

Walaal I didn't post her picture on the net. It was already on there. I just copy/past from the source site. You're right and it's confidential but you and I don't know if the webmaster has a permission from her. I have nothing to do with the articles expect that I posted it here to increase her chances of getting others to read and help. As for anyone collecting donation, I am not aware of it. SOL can delete if this violates their rules.

 

Playmaker:

 

I emailed the author of the article and the webmaster and I haven't received a reply. They might be busy but I'll try to call that number Insha'alaah. Usually they open an account with Xawaaladaha for these kinds of stuff but in this particual case, I don't know.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this