Deeq A. Posted December 1, 2020 Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ee ka howl-gala degmada Warta Nabadda ee gobolka Banaadir, gaar ahaan waaxda Horseed, laanteeda Nation-ka ayaa xalay abaare 1:15am toogasho ku dilay nin la sheegay inuu miino ku aasayey halkaasi. Gudoomiyaha degmada Warta Nabada Seynab Xaabsey ayaa sheegtay in ciidanka ka war heleen xogta ninkaasi, kadibna toogasho lagu dilay inta uusin qaraxa. Sidoo kale waxay u mahadcelisay ciidamada amniga ee fuliyey howl-galka, islamarkaana ka hortagay qaraxaas oo ay tilmaamtay in lagu dhibaateyn rabay shacabka. Muddooyinkii u dambeeyey ciidamada ammaanka ayaa waday howl-gallo lagu xaqiijinayo amniga magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya. View the full article Share this post Link to post Share on other sites