Sign in to follow this  
Deeq A.

Dhaqtar caan ah oo lagu dilay guda Kismaayo

Recommended Posts

Deeq A.   

Dabley hubaysan ayaa xalay gudaha magaalada Kismaayo ku dilay dhaqtar caan ka ahaa magaaladaas oo lagu magacaabi jiray Dr Yuusuf Axmed.

Dhaqtarka aya lagu toogtay gudaha xarun caafimaad oo uu ku lahaa xaafadda Via Afmadow ee magaalada Kismaayo waxaana goobta isaga baxsaday kooxdii dilka gaystay sida ay xaqiijiyeen goob-joogayaal.

Laamaha Amniga dowlad goboleedka Jubaland oo hawlgal ka sameeyay xaafadda dilkaas ka dhacay ayaa la sheegay in aysan ku guulaysan soo qabashada kooxdii ka dambeeyya dilka dhaqtarka.

Ma jirto ilaa iyo haatan cid sheegatay mas’uuliyadda dilkaas balse magaalada Kismaayo waxa muddooyinkii u dambeeyay ka dhacay dilal qorshaysan oo lagu beegsaday dad caan ka ahaa magaalada.

PUNTLAND POST

The post Dhaqtar caan ah oo lagu dilay guda Kismaayo appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this