Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Cusub ee Mareykanka oo dhaawacmay+Cida dhaawacday

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Cusub ee Mareykanka oo dhaawacmay

dhaawac.jpg
Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka, Joe Biden

Dhakhtarka gaarka ah ee madaxweynaha la doortay ee Mareykanka, Joe Biden ayaa sheegay in uu Biden ka murgacday lugta xilli uu la dheelayay mid ka mid ah eydiisa.

Mr Biden oo 78 jir ah ayaa lagu soo warramayaa in ay u baxday lugta oo uu dhulka ku dhacay xilli uu la ciyaarayay eyda uu dhaqdo midka ugu weyn.

Dhaktarkiisa gaark ah, Kevin O’Connor, ayaa sheegay in raajo hordhac ah oo laga qaaday Biden aysan muujinin dhibaato weyn balse waxaa ay baaritaan dheeraad ah ku sameyn doonaan lugta oo laga qaadi doona sawirro horleh.

Kumbuyuurtarkii xigay ee la saaray Mr Biden ayaa waxa uu muujinayaa in laba laf oo yaryar ay ka jabeen bartamaha cagtiisa midig, waa sida uu dakhtarku sheegayee.

  • Biden ayaa noqonaya madaxweynaha baddali doona Donald Trump
Biden ayaa noqonaya madaxweynaha baddali doona Donald Trump

Axaddii uu madaxweyne Donald Trump bartiisa Twitter-ka waxa uu soo dhigay farriin uu ku leeyahay; “Caafimaad degdeg ah ayaan kuu rajaynayaa!”

Mr Biden oo madaxweynaha Jamhuuriga Mr Trump kaga adkaaday doorashadii la qabtay bishii Nofeembar, ayaa lagu wadaa in maanta oo Isniin ah la siiyo xogtii ugu horraysay ee madaxweynaha dalkaas la siiyo. Arrintaas ayaa waxaa suurgalisay markii todobaadkii hore lagu dhawaaqay inuu bilowday hannaankii xilka uu Biden kula wareegi lahaa.

Mr Biden oo horraantii bishan noqday 78-jir ah, ayaa noqonaya madaxweynihii ugu da’da waynaa ee xilka ugu sarreeya dalkaas qabta waa marka 20-ka bisha Janaayo ee sanadka soo aaddan xilka loo caleema saaro ee.

Haddaba iyadoo dhacdadan ay jirto ayaa waxaa la filayaa in si dhaw ay caafimaadkiisa ula socon doonaan xulafadiisa iyo kuwa mucaaradka ku ahba.

20-ka bisha January ayaa lagu wadaa in Biden uu la wareego xafiiska Aqalka Cad
20-ka bisha January ayaa lagu wadaa in Biden uu la wareego xafiiska Aqalka Cad

Dhakhtarkiisa ayaa bayaan uu soo saaray dabayaaqadii Diseembartii tagtay waxa uu ku tilmaamay inuu Biden caafimaadkiisu wanaagsan yahay oo uu si guul ah ku gudan karo waajibaadkiisa madaxweynenimo.

Madaxweynaha la doortay iyo xaaskiisa Jill Biden, ayaa waxa ay magaalada Delaware ka sameysteen goob ayga lagu xanaaneeyo inay korsanayaanna waxa ay si rasmi ah u shaaciyeen Nofeembar 2018-kii.

Aygan lagu magacaabo Champ ayaa waxa uu qoyska Biden kula noolaa Capitol Hill waqtigii ay ku noolaayeen Washington DC xilligii uu madaxweynaha ahaa Barack Obama, markaas oo uu senatorkii hore ee Delaware uu madaxweyne ku xigeenka ahaa.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this