Sign in to follow this  
Deeq A.

Faah-faahin: Xildhibaan Ka Tirsan Baarlamaanka Soomaaliya Oo Maanta Lagu Xidhay Hargeysa

Recommended Posts

Deeq A.   

Waxa madaarka Hargeysa ee Cigaal airport maanta lagu xidhay Xildhibaan Mustaf Dhuxulow oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.

Ilo xogogaala ayaa Geeska Afrika u sheegay in Mustaf Dhuxulow ay shirkad Jarmal ah oo Hargeysa degeni u soo saartay dal-ku-galka Sonaliland, si uu Hargeysa shir ugaga qayb galo.

Laakiin hay’adaha ammaanka ayaa marki dambe ogaaday in qofka dal-ku-galka loo soo saaray yahay xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, iyadoo xabsiga loo taxaabay. Mustaf ayaa saraakiisha madaarka Cigaal ee Hargeysa tusay dal-ku-galka uu sitay, kaas oo la la laalay, lana joojiyay.

Waxa la filayaa in dib loogu celiyo magaalada Muqdisho.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this