Deeq A. Posted November 29, 2020 Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa saaka xukun dil ah ku fulisay macalin dilaa ahaa oo ka tirsan Al-shabaab waa Maxamed Xaaji “Ilkacase” iyo rag kale Axmed Maxamed Haashim iyo Saalim Siciid Maxamed. Sida ay qortay warbaahinta ku hadasha afka dowladda federaalka ah, raggan ayaa lagu toogtay fagaaraha dugsiga Booliska ee general Kaahiye. Janaraal Cabdullaahi Buulle kamey, Xeer Ilaaliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida oo fulinta xukunka kaddib la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in raggan ay dileen dad badan oo ay kamid ahaayeen, marxuum Cumar Maxamed Abiikar 10-08-2016, sareeye guuto Ismaaciil Axmed Ismaaciil(Makayaalo) 28-10-2016, iyo marxuum Cabdulqaadir Daahir Diiriye 16-01-2018, lagu fuliyay dilka maanta oo taariikhdu tahay 29-11-2020. Goobjoog News Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites