Sign in to follow this  
Deeq A.

Maamulka Addis Ababa oo gurmad caafimaad u diray gobolka Tigreega

Recommended Posts

Deeq A.   

Maamulka magaalada Addis Ababa ee xarunta Itoobiya ayaa koox caafimaad oo isugu jira dhaqaatiir iyo shaqaale kale u diray gobalka Tigreega ee waqooyiga Itoobiya halkaas oo colaad ay ka jirto.

Kooxdan oo  ka kooban 60 Xubnood ayaa ka shaqeyn doona saldhigyada ciidanka ee waqooyiga Itoobiya halkaas oo daryeel caafimaad ku siin doonaan ciidanka .

Madaxa caafimaadka magaalada Addis Ababa Dr. Yohannes Chala ayaa sagootiyay shaqaaaha caafimaadka.

Waa kooxdii labaad oo caafimaad taas oo maamulka Addis Ababa u diro waqooyiga Itoobiya .

16 bishaan ayeey ahayd markii 48 shaqaale caafimaad ah loo anbabixiyay gobalka Tigreega, halkaas oo uu ka socdo dagaal udhaxeeya ciidamada Itoobiya iyo xisbiga TPLF.

PUNTLAND POST

The post Maamulka Addis Ababa oo gurmad caafimaad u diray gobolka Tigreega appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this