Sign in to follow this  
Deeq A.

Seynisyahankii Hogaaminaayey Barnaamijka Niyukleerka Iiraan oo la khaarajiyay & Taariikhdiisa+Iran oo shaacisay inay u aari doonto

Recommended Posts

Deeq A.   

Waa kuma Seynisyahanka Hogaaminaayey Barnaamijka Niyukleerka Iiraan ee la khaarajiyay?

Goobtii uu dilka ka dhacay
Goobtii uu dilka ka dhacay

Mohsen Fakhrizadeh, waa seynisyahanka ugu caansan ee barnaamijka Niyukleerka Iiraan, islamarkana waxaa uu ka mid yahay shaqsiyaadka ugu sareeya ee ilaalada kacaanka Iiraan.

Waxaa muddo dheeer aad u hadal hayay hay’adaha sirdoonka reer galbeedka oo ku tilmaamay in uu udub dhaxaad u yahay barnaamijka Niyukleerka Iiraan.

Sida ku cad dikumiinti sir ah oo ay heshay Israa’iil 2018, waxaa uu Fakhrizadeh hogaaminayay barnaamij lagu dhisayo hub Niyukleer ah.

Sidoo kale mar ayaa, rai’sul wasaarah Israa’iil Benjamin Netanyahu waxaa uu ku tilmaamay Fakhrizedeh in uu yahay Seynisyahanka hogaamiya barnaamijka, waxa uuna xilligaas Netanyahu ugu baaqay dadka ay “magaciisa xusuusnaadaan”.

Sanaddii 2015, wargeyska New York Times ayaa la barbar dhigay J Robert Oppenheimer, oo ahaa seynisyahankii hagayay soo saaridda hubkii Atoomikada ee ugu horeeyay ee Mareykanka dagaalkii labaad ee aduunka.

Fakhrizadeh ayaa la sheegay in uu ahaa ninkii horkacayay mashruuca Amad, oo la sheegay in uu ahaa barnaamij qarsoodi ah oo la asaasay sanaddii 1989 islamarkana ahaa cilmi-baarid ku saabsanayd suurtagalnimada dhisidda Bam Niyukleer ah.

Xaruntaasi ayaa la xiray 2003, sida ay sheegtay hay’adda quwadda atoomikada ee IAEA,.

Balse Mr Netanyahu ayaa sheegya in dikumiintiga ay heleen 2018 uu muujinayo in Fakhrizadeh uu wali hogaaminayo barnaamijkasi lagu magacaabo Amad ee lagu farsameynayo Niyukleerka.

  • mohsen fakhrizadeh
mohsen fakhrizadeh

Hay’adda IAEA ayaa dhanka kale muddo dheer dooneysay inay la hadasho Mr Fakhrizadeh taasi oo qeyb ka ahayd baaritaankeeda ku aadan barmijka Niyukleerka.

Shaki laga qabay in Iiraan ay barnaamijka u isticmaaleyso farsameynta hub Niyukleer ah ayaa sababtay in Midowga Yurub, Qaramada Midoobey iyo Mareykanka ay cunaqabateyn ku soo rogaan dalka Iiraan 2010.

Heshiiskii 2015 ay Iiraan la gaartay dalalka Mareykanka, Britain, Fransiiska, shiinaha, Ruushka iyo Jarmalka ayaa waxaa uu horseeday inay Iran xaddido howlaheeda Niyukleer, iyada oo ku badalanaysa in cunaqabateynta laga qaado.

Balse markii uu xukunka Mareykanka la wareegay Donald Trump ayaa waxaa uu gabi ahaanba isaga baxay heshiiskaasi.

Dhanka kale xiisadda u dhaxeysa Mareykanka iyo Iraan ayaa cirka isku shareertay bishii January ka dib markii ay Mareykanka dileen Janaraal Qasem Soleimani, oo ahaa abaanduulihii xoogagga Quds.

Iiraan oo wacad ku martay inay u aari doonto Khabiirkoodii Niyukleerka ee la khaarajiyey

 

Iiran ayaa wacad ku martay inay ka aargoosan doonto kuwii ka dambeeyay dilkii loo geystay Seynisyahankoodii ugu sareeyay ee dhanka Niyukleerka, Mohsen Fakhrizadeh, oo shalay la dilay.

Seynisyahankani barnaamijka Niyukleerka Iiraan Mohsen Fakhrizadeh ayaa lagu khaarajiyay meel u dhaw caasiamda Tehran, waxaa sidaasi sheegay wasiirka gaashaandhiga Iran.

Fakhrizadeh ayaa dhaawac ka soo gaaray weerarkaasi ugu dhintay isbataal ku yaala magaalada Absard.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Iraan Mohammad Javad Zarif, ayaa cambaareeyay dilkaasi isaga oo ku tilmaamay “ficil argagixiso”.

Saraakiil kale oo reer Iiraan ah ayaa waxay dhankooda dilkiisa ku eedeeyeen inay masuul ka tahay Israa’iil oo ay ka dambeyso.

Waxay ku hanjabeen saraakiishani inay u aargudi doonaan Seynisyahankan shalay lagu dilay meel u dhaw magaalada Tehran ee caasimada iiraan.

Israa’iil wali kama aysan jawaabin eedeeynta loo soo jeedayay, balse waxay horey Israa’iil u sheegtay in Mr Fakhrizadeh uu yahay maskaxda ka dambeysa barnaamijka qarsoodiga ah ee Niyukleerka Iraan.

Hay’adaha sirdoonka reer Galbeedka ayaa rumeysan in Fakhrizadeh uu ahaa shaqsiga ka dambeeyay barnaamijka qarsoodiga ah ee Niyukleerka Iiraan.

Dowladda Iiraan ayaa falka lagu diley Seynisyahankeeda ku tilmaamtay mid jabaneya shuruucda caalamiga ah, islamarkana mudan in la cambaareeyo.La taliyaha hogaamiyaha ruuxiga ah ee Iran Ayatollah Khamenei, ayaa ballanqaday inay weerar sida “sida biriqda oo kale” ay kaga aargoosan doonaan kuwa isku dayaya inay abuuraan dagaal toos ah.

Sidee ayay wax u dhaceen?

Bayaan ay Jimcihii soo saartay wasaarada gaashaandhiga ayaa lagu sheegay: “argagixiso hubeysan ayaa bartilmaameedsatay gaari uu la socday Mohsen Fakhrizadeh, madaxa cilmibaaridda iyo hal-abuurka ee wasaarada.

“Ka dib isku dhac dhexmaray argagixisada iyo ilaaladiisa, Mr Fakhrizadeh ayaa waxaa haleelay dhowr xabo oo rasaas ah islamarkana waxaa loola cararay isbataalka, ayaa lagu yiri bayaanka wasaaradda.

“Nasiib daro dadaalkii ay u galeen dhkaaatiirta badbaadintiisa ayaan lagu guuleysan islamarkana daqiiqado ka dib wuu geeriyooday,” ayaa intaa lagu daray.

Warbaahinta Iran ayaa sheegtay in dadka weerarka geystay ay rasaas ku fureen gaariga Seynisyahankani.

Dowladda Iraan ayaa ugu baaqday xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey iyo golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey inay cambaareeyaan dilkii lo geystay Seynisyahan dhanka Niyukleerka ah oo shalay al dilay.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this