Deeq A. Posted November 28, 2020 Allaha u naxariistee waxaa maanta Qabuuro ku yaalla isbitaalka ciidanka Xoogga dalka Aas wadareed loogu sameeyey dhalinyaradii lagu laayey weerarkii is-miidaaminta ahaa ee xalay ka dhacay maqaayadda Gelato Divino oo ku taalla wadada aada garoonka Aadan Cadde. Waxaa aaska ka qeyb-galay ehellada marxuumiinta, mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo boqolaal dadweyne ah. Qaar ka mid ah dadkii ka qeyb-galay saalada Janaazada iyo aaska ayaa Alle uga baryey dhalinyaradaasi inuu ka waraabiyo Jannadiisa Firdowso. Al-Shabaab ayaa lagu eedeeyey mas’uuliyadda qaraxan oo lagu laayey dhalinyaro ku qax-weynayey maqaayadda Gelato Divino ee magaalada Muqdisho. View the full article Share this post Link to post Share on other sites