Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Muxuu Sheekh Shariif kala hadlay odayaasha dhaqanka Koonfur Galbeed?

Recommended Posts

Deeq A.   

Baydhabo (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo haatan ku sugan magaalada Baydhabo ayaa xalay kulan gaar ah la qaatay odayaasha dhaqanka ee deegaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Kulanka oo saacado badan qaatay ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ahaa madaxweynaha maamulkaasi, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen).

Intiisa badan waxaa shirkan diirada laguy saaray xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka ee 2020/2021-ka.

Sheekh Shariif ayaa u sheegay odayaasha dhaqanka in weli baahi loo qabo, islamarkaana looga fadhiyo inay soo xulaan xildhibaano u qalmo marxalada adag ee haatan lagu jiro.

“Odayaasha dhaqanku waa furaha dowladnimadeena casriga ah, baahidii la idiin qabay wali waa jirtaa oo dalka xaaladdiisa waad ka warqabtaan, waxaan aaminsanahay inaad dalka usoo xuli doontaan Xildhibaano u qalma marxaladaha adag ee dalkeenu ku jiro.” ayuu yiri Sheekh Shariif Sheekh Axmed madaxweynihii hore ee dowladdii KMG aheyd.

Dhankooda qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka ee madasha ka hadlay ayaa u mahadceliyey Sheekh Shariif oo haatan ah guddoomiyaha midowga musharraxiinta.

Kulamada siyaasadeed ee ka socda Baydhabo ayaa ku soo aadaya, iyada oo lagu sii dhowaanayo doorashada Somalia oo isugu jiro tan baarlamaanka iyo madaxweynaha.

IMG-20201128-WA0014.jpg IMG-20201128-WA0017.jpg IMG-20201128-WA0001-696x464-1.jpg IMG-20201128-WA0010.jpg

 

The post Sawirro: Muxuu Sheekh Shariif kala hadlay odayaasha dhaqanka Koonfur Galbeed? first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this