Deeq A. Posted November 27, 2020 Dhallinyaro ku dhimatay qaraxa Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay qarax ismiidaanin ah oo gaystay khasaare dhimasho iyo dhaawac oo caawa ka dhacay Muqdisho. War qoraal ah oo ka soo baxay Wasiirka Warfaafinta Cismaan Dubbe ayaa lagu sheegay in qaraxa ay ku dhinteen ugu yaraan 6 qof oo rayid ah, halka ay ku dhaawacmeen 8 qof. Wasiirka Warfaafinta wuxuu cambaareeyay weerarka lagu qaaday maqaayadda Gelato Divino, wuxuuna ku tilmaamay in uu ahaa mid lagu bartilmaameedysaday shacab. Dhanka kale Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa ka tacsi u diray ehelada dadkii ku dhintay qaraxa, halki uu kuwa dhaawaca ah Alle uga baryay caafimaad. Rooble ayaa qoraal uu ku daabacay bartiisa Twitter-ka ku yiri “Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa ehelada dadkii ku dhintay qaraxii argagixisadu caawa la eegteen maqaaxi ay dad shacab ahi ku sugnaayeen magaalada Muqdisho. Eebbe ha u naxariisto inta dhimatay, dhaawacyadana Allaha bogsiiyo. Waa in aan u midownaa la dagaallanka argagixisada”. Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa ehelada dadkii ku dhintay qaraxii argagixisadu caawa la eegteen maqaaxi ay dad shacab ahi ku sugnaayeen magaalada Muqdisho. Eebbe ha u naxariisto inta dhimatay, dhaawacyadana Allaha bogsiiyo. Waa in aan u midownaa la dagaallanka argagixisada.— Mohamed Hussein Roble (@MohamedHRoble) November 27, 2020 Warar madax bannaan ayaa sheegaya in khasaaraha uu geystay qaraxu uu ka badan yahay inta ay sheegtay dowladda Soomaaliya.Baraha bulshada waxaa qabsaday sawiradda lix dhallinyaro ah oo ku dhintay qaraxa, waxayna dad badani ka xumaadeen falka lagu dilay. Dadka qaar ayaa aaminsan in amniga magaalada Muqdisho uu weli yahay mid aan la isku halayn karin. PUNTLAND POST The post DFS oo ka hadashay qaraxii Muqdisho appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites