Sign in to follow this  
Deeq A.

Cumar Finish: Anigu Hawiye Ma ahi Miyaa, Duurka Miyaan Ka imid?

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Finish ayaa maanta u hanjabay mucaaradka dowladda isaga oo sheegay in Hawiyennimo aan lagu handadi karin.

Ninkan oo horay hoggaamiye kooxeed qeyb ka mid ah Muqdisho ka taliyo u ahaa ayaa yiri” Maanta in lagula handado Mogadishu Clan ayaan nahay qori ayaan soo qaadanaynaa sax miyaa? dhinaca kale fiiri Maxamed Xuseen Rooble, Mogadishu Clan ma aha miyaa?  guddoomiyihii gobolka ayaan ahay, gobolkaan mas’uuliyadiisa iyo amniga aniga ayuu i saaran yahay, Anigu Mogadishu Clan ma ahi miyaa?  duurka miyaan ka imid. Muku dhacaan in ay qashqashaadaan oo aad ogtihiin intii idin kaga dhimatay ma kudhacaan’

Dhanka kale waxaa uu soo qaatay aayad banneyneysa dilka meel walba oo lagu arkom, waxaa uu yiri “Ayagu waa ogyihiin in aysan ku dhicine kuwa soo diray ayey u muujinaayaan in ay shaqeeyeen,  xaqiiqdu waa sidaas, haddii ay isku dayaan qalalaasana Allah SWC tallaabadii aan qaadi laheyn ayuu noo tilmaamay , Suurutul Axbaab,

لئن لم ينته المنافقون والذين في قلوبهم مرض والمرجفون في المدينة لنغرينك بهم ثم لا يجاورونك فيها إلا قليلا ( 60 ) ملعونين أينما ثقفوا أخذوا وقتلوا تقتيلا ( 61 )

Ilaahey qur’aankiisa ma ahaanoo, Cumar ma dhihin, gabyaana ma dhihin:

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this