Sign in to follow this  
Deeq A.

Imaaraadka oo joojiyey fiisooyinka dalal ay ku jirto Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Isutagga Imaaraatka Carabta (UAE) ayaa joojisay bixinta fiisooyinka cusub ee muwaadiniinta 13 dal oo u badan Muslimiin, oo ay ku jiraan Iran, Turkey, Syria iyo Somalia, sida ku cad dukumiinti ay soo saartay goob ganacsi oo ay dowladdu leedahay.

Dukumiintiga oo loo diray shirkadaha ay quseeyso oo ay aragtay wakaaladda wararka ee Reuters, ayaa lagu xusay wareegtada socdaalka oo dhaqan gashay 18-kii Nofeembar.

Iyagoo intaasi ku daray in codsiyada shaqaalaynta cusub iyo fiisooyinka booqashada ee dalal ay ka mid yihiin Afghanistan, Libya, iyo Yemen.
la joojiyay illaa ogeysiis dambe

Dukumintiga ayaa lagu sheegay in Xayiraadda fiisaha ay sidoo kale khuseyso muwaadiniinta Algeria, Kenya, Iraq, Lebanon, Pakistan iyo Tunisia.

Hay’adda Federaalka ee Aqoonsiga iyo Jinsiyadda ee Imaaraadka ayaanan wax jawaab ah ka bixin arintaan

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this