Sign in to follow this  
Deeq A.

Sarkaal sare oo ka tirsan C.I.A-da Maraykanka oo lagu dilay Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Sarkaal sare oo ka tirsan hay’adda C.I.A-da Maraykanka, ayaa maalmo ka hor lagu dilay gudaha Soomaaliya, sida ay xaqiijiyeen saraakiil Maraykan ah oo diiday in la xigto magacyadooda.

Wargayska New York Times, oo warbixin dheer ka qoray dilka sarkaalkaas, ayaa sheegay in aysan kala caddayn, haddii uu ku dhintay hawlgal lagu qaaday Argagixisada, ama lagu dilay weerar Argagixisadu fulisay.

Wargayska ayaa sidoo kale sheegay, in aysan weli  helin magaca iyo Aqoonsiga sarkaalka la dilay, balse keliya ay xaqiijiyeen geeridiisa, islamarkaana hay’adda C.I.A-du ka gaabsatay in ay ka hadasho dilkiisa.

Dhacdadaas ayaa ku soo beegmatay, xilli dhowaan Waaxda Difaaca Maraykanka ee Pentagon, ay  shaacisay in Ciidamada Maraykanka Soomaaliya laga saari doono bisha Jannaayo ee sannadka 2021.

Maraykanka waxa Soomaaliya kaga sugan, in ka badan 700 oo askari, kuwaas oo fuliya hawlgallada La-dagaallanka Argagixisada iyo Tababarka Ciidamada Soomaaliya ee la dagaallama kooxaha Argagixisada ah.

PUNTLAND POST

The post Sarkaal sare oo ka tirsan C.I.A-da Maraykanka oo lagu dilay Soomaaliya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this