Sign in to follow this  
Deeq A.

DEG DEG: Diego Armando Maradona oo geeriyooday

Recommended Posts

Deeq A.   

Tigre (Caasimada Online) – Xiddigii hore ee xulka kubada cagta Argentina Diego Armando Maradona ayaa goordhow geeriyooday kadib markii uu asiibay wadno xanuun, isaga oo ku sugan gurigiisa oo ku yaalla deegaanka Tigre ee magaalada Buenos Aires ee dalka Argentina.

Maradona ayaa waxa uu kasoo kabanayey qalliin dhowaan looga sameeyey madaxa, sida ay werisay warbaahinta dalka argentina. Waxa uu ahaa 60 jir.

Maradona oo ahaa mid ka mid ah xidighii ugu wanaagsanaa ee soo mara kubadda cagta caalamka, ayaa dalkiisa kula guuleystay koobkii adduunka ee 1986-kii.

Naga filo faah-faahin dhowaan, Insha Allah.

The post DEG DEG: Diego Armando Maradona oo geeriyooday first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this