Sign in to follow this  
Deeq A.

Shirka musharaxiinta oo galay maalintii shanaad & wararkii ugu dambeeyey

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa weli ka socda shirka midowga musharraxiinta oo galay maalintiisii shanaad.

Shirkan oo gaba-gabo marayo ayaa waxaa ka qeyb-galaya in ka badan 10 musharrax oo u taagan xilka madaxweynaha ee doorashada soo socota 2020/2021-ka.

Musharraxiinta ayaa shirarkooda oo wada-tashiyo ah diirada ku saaray arrimaha doorashada, gaar ahaan muranka ka taagan guddiyada doorashooyinka dalka.

Sidoo kale waxay warbixino ka dhageysteen guddoonka labada aqal ee baarlamaanka, ururada bulshada rayidka ah iyo culimada Soomaaliyeed.

Waxaa sidoo kale lagu wadaa in maanta shirka uu sii socdo, iyada oo ay ka qeyb-galayaan milkiilayaasha warbaahinta iyo xubno kale.

Intii uu socday shirkan waxaa sidoo kale lagu dhisay guddoon ay yeesheen musharraxiinta,kaas oo uu hoggaamin doono Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Gaba-gabada shirkan oo maalmo qaatay ayaa waxaa la filayaa in laga soo saaro war-muriyeed ku aadan doorashooyinka iyo xaaladda dalka.

Soomaaliya ayaa isku diyaarineyso doorasho isugu jirta tan baarlamaanka iyo madaxweynaha, waxaana jira khilaaf u dhexeeya dowladda iyo mucaaradka.

The post Shirka musharaxiinta oo galay maalintii shanaad & wararkii ugu dambeeyey first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this