Sign in to follow this  
Deeq A.

Dagaal beeleed culus oo ka dhacay Gobolka Hiiraan

Recommended Posts

Deeq A.   
3-2.jpeg?resize=952%2C525&ssl=1Kani waa sawir hore

Dagaal culus oo u dhexeeya laba maleeshiyo beeleed, ayaa saacadihii la sooo dhaafay ka dhacay degaanka Nagaarta, oo ka tirsan degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan, waxaana ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac leh.

Dagaalkaas mudda saacado ah socday, ayaa salka ku hayay Baraago laga cabo biyo iyo dhul daaqsimeed hoostega degmada Matabaan, kuwaas oo dhowaanahan lagu muransanaa.

Ugu yaraan 5 ruux oo dhinacyadii dagaallamay ah, ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen dagaalka, halka in ka badan 10 qof kalena ay ku dhaawacmeen.

Waxaase saaka deggan xaaladda degaankii lagu dagaallamay, inkastoo oo laga cabsi qabo in colaaddu ay sii socoto.

PUNTLAND POST

The post Dagaal beeleed culus oo ka dhacay Gobolka Hiiraan appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this