Sign in to follow this  
Deeq A.

Hoggaamiyaha Tigraay Oo Qirtay Iney Dowladda Magaalooyin Ka Qabsatay

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Addis Ababa)-Hoggaamiyaha TPLF ee mas’uulka ka ah maamulka deegaanka Tigraay Dr Debretsion Gebremichael wuxuu qirtay in magaalooyin laga qabsaday, balse wuxuu beeniyey sheegashada dowladda ee ah iney ciidamadiisa guul darro wajahayaan.

Debretsion wuxuu si cad uu ugu gacan seydhay baaqi Raysal wasaare Abiy Axmed ee ahaa iney illaa iyo Arbacada ugu dambeyn xoogagga TPLF dowladda iisu soo dhiibaan.

Hoggaamiyaha TPLF waxaa kale uu sheegay shacabkiisu iney diyaar u yihiin iney u dhintaan difaacidda xuquuqda ay u leeyihiin iney deegaankooda iyagu maamulaan.

Iyadoo ay weli jirin ilo madax bannaan oo xaqiijinaya xogaha rasmiga ah ee ku saabsan dagaalka socda, haddana labada dhinac uu dagaalka dhex marayo waxay warbaahinnadoodu ka baahiyaan dacaayado dagaalka salka ku haya.

In kabadan 40,000 oo qof oo dagaalkaasi ka qaxay ayaa gaadhay dalka Suudaan ee Itoobiya deriska la ah.

UNHCR ayaa sheegeysa in isu diyaariyaan qaabilaada qaxooti gaadhaya 200,000 oo qof

Qaar badan oo ka mid ah dadka dagaalkaasi ka soo qaxayna waxay sheegeen iney ka soo carareen duqeymaha, toogashada iyo mindiya dadka lagu beegsanayo.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this