Sign in to follow this  
Deeq A.

Warkii ugu danbeeyay ee Dagaalka+Milateriga Itoobiya oo Magaalooyin hor leh & Ciidan ka qabsaday Tigreyga+Ciidan isdhiibay

Recommended Posts

Deeq A.   
tigray-war.jpg
Labada dhinac ayaa midba midka kale ku eedeynaya inu colaada billabay

Xukuumadda Itoobiya ayaa sheegtay in ciidamadeedu ku sii durkayaan gobolka woqooyi ee Tirgay oo ay magaalada Adigrat ka qabsadeen xoogaga u daacad ah xukuumadda gobolkaas.

Maamulka Tigray ayaa sheegay in dad rayid ah lagu laayey dagaalka ka dhacay magaaladaas laakiin faahfaahin intaa dheer may bixin.

Madaama oo telefoonnadii iyo internet-kiiba go’an yihiin way adagtahay in la xaqiijiyo wararkaas. Midowga Afrika aya sheegay inuu ergo dirayo, waxaana isa soo taraya baaqyada Qaramada Midoobay ee xabbad joojinta ah si loo helo marino gargaarka aadamenimo la mariyo.

Laakiin warfidiyeenku waxay sheegayaan in xukuumadda ra’isal wasaare Abiy Axmed aanay waxba ka soo qaadin dedaalkaa dhexdhexaadinta ah oo aad mooddo iney ka go’an tahay in dagaalku sii socdo.

Dhanka kale Jimcihii dowladda waxay sheegtay inay ciidamadeeda la wareegeen magaalooyiinka Aksum iyo Adwa.

.

Dowladda ayaa sheegtay in xooggagii kula dagaalamayay magaalooyiinkaasi “ay is dhiibeen”.

Magaalada Aksum ayaa ah mid ka mid ah magaalooyiinka ugu waawayn gobolka Tigrey, halka magaaalada buuraleyda ah ee Adwa sidoo kale lagu tilmaamay magaalo istaraatiji ahaan muhiim ah.

Horraantii toddobaadkan ciidamada dowladda dhexe waxay la wareegeen magaalooyiinka Shire iyo Raya.

Rai’sul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa sheegay in ciidamadiisa ay imika kus ii siqayaan caasimadda Tigrey ee, Mekelle.

 

Hey’adaha gargarka ayaa ku baaqaya in sida ugu dhaqsiyaha badan si kumeelgaar ah xabadda loo joojiyo gobolka Tigrey si ay u suragasho in la gaaro dadka rayidka ah ee uu dagaalka saameeyay.

UNHCR ayaa sheegeysa in isu diyaariyaan qaabilaada qaxooti gaaraya 200,000 oo qof
UNHCR ayaa sheegeysa in isu diyaariyaan qaabilaada qaxooti gaaraya 200,000 oo qof

Qaramada Midoobey ayaa doonaysa in la sameeyo tub gargaarka bina’aadanimo loo mariyo dadka uu saameeyay dagaalka labada toddobaad u dhaxeeya Militariga fedaraalka Itoobiya iyo xoogagga Tigrey.

Boqllaal qof ayaa lagu soo waramayaa in lagu dilay dagalada ka socda gobolka Tigrey ee waqooyiga Itoobiya.

Xaaladda bina’aadanimo oo laga deyrinayo

Hey’adaha gargaarka ayaan fursad u helayn in ay gaaraan goobaha dagaalka uu ka socdo, balse waxay cabsi ka qabaan in kumannaan rayid ah laga yaabo in dagaalka ay ku dhinteen tan iyo intii uu dagaalka bilaabmay horraantii bishan November.

Ugu yaraan 33,000 oo qaxooti ah ayaa ilaa iyo imika xadka ka tallaabay oo gaaray dalka Itoobiya dariska la ah ee Sudan.

Hey’adda qaxootiga Qaramada Midoobey ee UNHCR ayaa sheegeysa in isu diyaariyaan qaabilaada qaxooti gaaraya 200,000 oo qof oo dalkaasi soo gaari doona 6 bilood ee soo socota haddii uu dagaalka sii socda.

Jimcihii xoogagga TPLF ayaa waxaa lagu eedeeyay inay gantaalo ku garaaceen magaalada Bahir Dar ee caasimadda gobolka Amharada.

Dowladda gobolka Amharada ayaa waxay sheegtay in duqeyntaasi aysan wax khasaaro ah ka dhalan.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this