Sign in to follow this  
Deeq A.

Laamaha Amniga Puntland oo hawlgal hub ka dhigis ah ka sameeyay Boosaaso

Recommended Posts

Deeq A.   
2-19.jpg?resize=747%2C640&ssl=1

Laamaha kala duwan ee Amniga Puntland, ayaa xalay hawlgal wadajir ah ka fuliyay gudaha magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari.

Hawlgalka waxa iska kaashaday Ciidamada Booliiska, PSF iyo PMPF, waxaana ujeedkiisu ahaa xaqiijinta Amniga Boosaaso, sida lagu sheegay Qoraal ka soo baxay Taliska Qaybta Booliiska Gobolka Bari.

Hawlgalkaas intii uu socday, waxa xaafada kala duwan ee magaalada Boosaaso laga uruuriyay Hubka sharci-darrada ah, iyadoo bacaha madow laga fiiqay gaadiidka qaarkood oo isticmaalayay.

Magaalada Boosaaso, waxa dhowaan lagu qaban doona Doorashada xildhibaannada Aqalka Hoose ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya, taas oo haatan diyaar-garowgeedu socdo.

PUNTLAND POST

The post Laamaha Amniga Puntland oo hawlgal hub ka dhigis ah ka sameeyay Boosaaso appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this