Sign in to follow this  
Deeq A.

Xasan Cali Kheyre Oo Raalli-gelin Ka Bixiyay Dhibkii Ka Dhacay Guriga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame

Recommended Posts

Deeq A.   

Raysal Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa xalay Magaalada Muqdisho kulan kula qaatay Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ahna hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir.

Kulanka oo saacado qaatay ayaa waxaa diirada lagu saaray sidii xal buuxa looga gaadhi lahaa xaaladdii siyaasadeed ee ka dhalatay weerarkii dowladda Federaalka ku qaaday Guriga Cabdiraxmaan CabdiShakuur dhammaandkii sannadka 2017-kii, kaasi oo geystay khasaaro kala duwan.

Xasan Cali Kheyre oo kulanka kadib Qoraal soo saaray ayuu si Cad ugu shaaciyay inuu raali-gelin buuxa uu Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ka siiyay weerarkii khasaaraha geystay ee lagu qaaday Gurigiisa, isla markaana ay si dhab ah uga wada hadleen arrintaas.

“Waxaan hoygiisa ku soo booqday hogaamiyaha xisbiga wadajir, ahna musharrax madaxwayne ee jamhuuriyada federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdiraxman cabdishakuur Warsame, halkaas oo aan si walaaltinnimo ku dheehantahay isugu soo qalbi xaadhannay. Waxaanan ka raalli galiyay dhibkii 17kii December 2017 isaga iyo ilaaladiisa kasoo gaadhay dhacdadii ka dhacday hoygiisa” ayuu yidhi RW hore Kheyre.

Dhinaca kale Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa ka hadlay raali-gelintii uu siiyay Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, wuxuuna Mas’uuliyiinta kale ee dowladda Federaalka ee ku lug lagaa weerarkii lagu qaaday u sheegay in weli ay u furan tahay raali-gelin.

“Waxaa xarunta Xisbiga Wadajir nagu soo booqday Raysalwasaarihii hore ee Soomaaliya, ahna musharrax madaxweyne Md Xasan Cali Kheyre. Kheyre wuxuu cudurdaar iyo raalli gelin ka bixiyey weerarkii 17-kii Dec 2017. Waxaan ugu baaqaynaa masuuliyiinta kale ee dowladda ee weerarka ku lug lahaa in ay fursaddan oo kale weli u furan tahay” ayuu yidhi Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo Qoraal soo saaray.

Kulankaas raalin-gelinta ayaa waxaa ka qeyb galay siyaasiyiin uu kamid yahay Senator Cabdi Axmed Dhuxulow, Madaxweynihii hore ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sh Aadan iyo siyaasiyiin kale oo dhowr ah.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this