Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidammada Dowladda Itoobiya Oo Magaalooyin Muhiim Ah Kala Wareegay TPLF

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay in Ciidammadeeda ay la wareegeen magaalooyin muhiim ah oo ka tirsan Gobolka ay maamusho TPLF.

Magaalooyinka lala wareegay ayaa waxaa ka mid ah Aksum iyo Adwa, waxaana ay dowladdu sheegtay in maleeshiyaadkii kula dagaalamayay ay is dhiibeen.

Ma jirto wax ka madax banaan sheegashada dowladda, iyadoo isgaadhsiinta iyo internet-ka gobolka uu yahay mid go’an muddo laba toddobaad.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa Abiy Ahmed ayaa sheegay in Ciidammadiisa ay ku sii siqayaan magaalada Mekelle ee caasimadda Tigray.

Dagaalka ka socda waqooyiga Itoobiya ayaa galay 17 maalmood, waxaana muuqata in Jabhadda Tigreega ay aad u xooggan yihiin oo ay is difaac adag ku jiraan.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this