Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada Puntland oo howl-gallo ka sameeyey magaalada Gaalkacyo

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidamada ammaanka ee maamulka Puntland ayaa xalay, illaa saaka howl-gallo ballaaran ka sameeyey waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Howl-gallada ayaa daba socday weerar loo adeegsaday bam-gacmeed oo xalay lagu qaaday ciidamo ka tirsan kuwa Puntland oo howl-gallo ka waday halkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in baaritaanadaasi lagu soo qab-qabtay tiro dad ah oo lagu tuhmayo weerarkaasi, kuwaas oo haatan gacanta ku hayaan ciidamada ammaanka.

Saraakiil ka tirsan kuwa Puntland ayaa sidoo kale sheegay in jeedka howl-galladan uu ahaa sidii loo xaqiijin lahaa amniga xaafadaha ku yaalla waqooyiga magaaladaasi.

Gaalkacyo ayaa waxaa muddooyinkii u dambeeyey ka dhacayey falal liddi ku ah amniga, sida weeraro iyo dilal qorsheysan oo qaarkood ay sheegatay Al-Shabaab.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this