Sign in to follow this  
Deeq A.

Qarax ka dhacay Gaalkacyo

Recommended Posts

Deeq A.   
no-image.png?resize=1000%2C600&ssl=1

Ciidamo ka tisan Puntland ayaa qarax lagula eegtay bartamaha magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolla Mudug.

Qaraxa oo ahaa miino kuwa gacanta ah oo lagu tuuray ciidamo howlagal waday, ayaa waxaa ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Saraakiil ka tirsan Puntland ayaa warbaahinta Puntland Post u sheegay in qaraxa uu ku dhintay qof rayid ah, sidoo kalana ay ku dhaawacmeen labo askari oo ka tirsanaa ciidamada qaraxa lala eegtay.

Amniga magaalada Gaalkacyo ayaa muddooyinkii dambe ahaa mid wanaagsan, kadib markii dowladdu ka sameysay howlgalo amniga kor loogu qaadayo.

PUNTLAND POST

The post Qarax ka dhacay Gaalkacyo appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this