Sign in to follow this  
Deeq A.

Cawad oo ka jawaabay xil ka qaadista lagu sameeyey go’aanna ka qaatay xilka cusub

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii caawa xilka laga qaaday ee arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay in uusan diyaar u aheyn xilka kale ee loogu magacaabay isla wareegtadii xilka looga qaaday.

Qoraal uu soo saaray ayuu ugu horeyn wasiir Cawad ugu mahadceliyey madaxweyne Farmaajo intii uu hayey xilkaas oo ku siman laba sano.

“Madaxweynuhu waa ku mahadsan yahay xilkii Wasiirka Arrimaha Dibadda ee la ii magacaabay 4tii November 2018. Abaal ayaan Madaxda dalka iyo ummadda Soomaaliyeedba uga hayaa,” ayuu Axmed Ciise Cawad ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa twitter-ka.

Dikreetadii xilka looga qaaday Cawad waxaa lagu sheegay in loo magacaabay safiirka dal aan la shaacin magaciisa, balse waxa uu ku sheegay qoraalkan in uusan diyaar u aheyn xilkaas.

“Waxaan halkaan ku caddaynayaa inaanan hadda diyaar u ahayn xil aan qabto mid Safiirnimo iyo mid kale toonna” ayuu yiri wasiirkii hore ee arrimaha dibedda Axmed Ciise Cawad.

Madaxweynuhu waa ku mahadsan yahay xilkii Wasiirka Arrimaha Dibadda ee la ii magacaabay 4tii November 2018. Abaal ayaan Madaxda dalka iyo ummadda Soomaaliyeedba uga hayaa. Waxaan halkaan ku caddaynayaa inaanan hadda diyaar u ahayn xil aan qabto mid Safiirnimo iyo mid kale toonna.

— Amb. Ahmed Awad (@MinisterMOFA) November 19, 2020

Sida lagu shaaciyey dikreetada Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa xilkaas u magacaabay Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud Abubakar.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in xil ka qaadista Cawad ay la xiriirto muran ka dhashay warqad shalay lasoo dhigay cinwaanka twitter-ka ee wasaaradda oo dowladda Ethiopia looga taageeray dagaalka ay kula jirto gobolka Tigray, warqaddaas oo markii dambe laga saaray bogga.

Qoraalka oo uu Cawad soo dhigay cinwaankiisa shakhsiga ah ee twitter ayuu ku yiri “Waxaan caddeynayaa inuusan jirin qoraal rasmi ah oo kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibedda oo ku saabsan xaaladda Ethiopia. Qoraalka la wareejinayo ma matalo aragtida dowladda Soomaalioya, sidaas darteed ma ahan mid sax ah.”

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in sababta qoraalka looga laabtay ay tahay dalab ka yimid xukuumadda Ethiopia, oo lasoo hadashay xukuumadda Soomaaliya, taasi oo dalbatay qoraal kasii adag midka la tiray, oo dad badan la yaabeen sida Soomaaliya u taageertay dagaal ka dhex socda dal kale gudihiisa.

The post Cawad oo ka jawaabay xil ka qaadista lagu sameeyey go'aanna ka qaatay xilka cusub first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this