Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowlad Muwaadiniinteeda Kala Baxday Gobolka Tigreega Ee Dalka Itoobiya

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Addis Ababa)-Dowladda Masar ayaa sheegtay inay ku guulleysatay inay kala soo baxday 9 qof oo ka mid ahaa muwaadiniinteeda kuna go’doonsanaa gobalka Tigreega ee ay ka socdaan dagaalada dalka Itoobiya.

Safaaradda Masar ee Itoobiya oo warbixin kaoo saartay arrintaan ayaa sheegtay in lagu guulleystay in muwaadiniin Masaari ah laga soo saaray magaalada Mekele ee xarunta u ah gobalka Tigreega.

Safaaradda ayaa intaas ku dartay in dadaalka looga soosaray muwaadiniintaan halkaas uu qaatay muddoo laba toddobaad ah, iyadoo ay gacan wayn ka geystayn Qaramada Midoobe, Laanqeyrta Cas iyo dowladda Itoobiya.

Safaaradda ayaa ugu baaqday muwadiiniinta kale ee jooga gudaha Itoobiya inay muujiyaan degganaan, xidhiidhna la lahaadaan maamulka safaaradda si loo caawiyo.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this