Sign in to follow this  
Deeq A.

Dawlada Itoobiya oo ku Eedaysay Madaxa Hayada WHO Dr.Tedros Adhanom Ghebreyesus in uu wado iskuday uu ku taageerayo TPLF sidii ay hub ku heli lahaayeen

Recommended Posts

Deeq A.   

Itoobiya oo madaxa Ha’yadda Caafimaadka Adduunka ku eedeysay in uu taageerayo TPLF

tedros.jpg

Taliyaha ciidamada xoogga dalka Itoobiya Berhanu Jula ayaa ku eedeeyay madaxa ha’yadda Caafimaadka Adduunka in uu wado tallaabooyin uu ku garab siinayo TPLF xilli ciidamada dowladda ay dagaal kula jiraan.

Janaraal Berhanu Jula wuxuu ku eedeeyay Tedros Adhanom Ghebreyesus in uu wado isku day kasta uu ku taageerayo TPLF isla markaana uu ka caawinayo sidii ay hub ku heli lahaayeen.

Madaxa haatan ee WHO, Dr Tedros wuxuu ahaan jiray wasiirkii hore ee caafimaadka Itoobiya xilliggii maamulkii TPLF, waa nin caan ah oo ka tirsan qowmiyadda Tigreega.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed wuxuu sheegay in howlgalka militeri ee ka socda Tigray looga golleeyahay in kala dambeynta iyo sharciga dib loogu soo celiyo gobolkaas.

.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this