Sign in to follow this  
Deeq A.

Ra’iisul wasaaraha XF oo farriin u diray xubnaha mucaaradka

Recommended Posts

Deeq A.   

Maxamed Xuseen Rooble ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo wareysi gaar ah siiyey Shabelle ayaa si faah faahsan uga hadlay arrimaha doorashada iyo u diyaar garowga xukuumadiisa.

Ra’iisul wasaaraha oo su’aallo dhowr la hor-dhigay ayaa marka hore shaaca ka qaaday inay ka go’an-tahay qabashada doorasho xor iyo xalaal ah oo dalka ka dhacda 2020/2021-ka.

Sidoo kale wuxuu soo hadal qaaday dooda adag ee ka taagan dhismaha guddiyada doorashooyinka, isaga oo tilmaamay in lagu soo xulay karti iyo aqoon.

Rooble ayaa sidoo kale intaasi ku daray in guddiyadaasi ay yihiin kuwa farsamo, islamarkaana aysan codeyn doonin, balse ergo iyo xildhibaano ay wax dooran doonaan.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyada oo masharraxiinta u taagan xilka madaxweynaha ay walaac ka muujinayaan xubnaha lagu daray guddiyada doorashada dalka, waxaana shaaca ay ka qaadeen in aysan aheyn kuwo madax banaan oo lagu kalsoonaan karo.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this