Deeq A. Posted November 19, 2020 WAREEGTO MADAXWEYNE: 18/11/2020 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/MG/083-586/112020, uu ku magacaabay guddi aas qaran oo ka kooban siddeed xubnood. Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:- Wareegto Madaxweyne Ku: Madaxweyne Ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Ku: Wasiirka Wasaaradda Gaashaan-dhiga Ku: Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka Ku: Wasiirka Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta Kalluumaysiga Ku: Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Wacyi-gelinta iyo Dhaqanka Ku: Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Ku: Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex Ku: Duqa Caasimadda Hargeysa Ujeeddo: Magacaabid Guddi Aas Qaran Mudanayaal, Waxa magaalada Hargeysa ku geeriyooday Marxuum Cumar Carte Qaalib oo ahaa aqoonyahan weyn iyo siyaasi rug-caddaa ah, isla markaana Xilka Madaxweynenimo ee Jamhuuriyadda Somaliland kula loolamay Madaxweyne Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal shir-weynihii Boorama 1993, sidoo kale xilal kala duwan oo uu ugu weyn yahay Xilka Ra’iisal Wasaare ka soo qabtay Jamhuuriyaddii duntay ee labada dal ku midoobeen ee Somali Republic. Sidaa darteed, waxaan idiin magacaabay in aad noqotaan Guddiga Diyaarinta Aaska Qaran ee loo samaynayo Marxuum Cumar Carte Qaalib. ALLAA MAHAD LEH Muuse Biixi Cabdi Madaxweynaha JSL. Qaran News Share this post Link to post Share on other sites