Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxay ka wada-hadleen Qoor-Qoor & Xasan Sheekh Maxamuud?

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha dowlad goboleedka Soomaalyeed ee Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor) ayaa xalay kulan gaar ah la qaatay madaxweynihii hore ee Soomaaliya, ahna hoggaamiyha Xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarka Mudane Xasan Sheikh Maxamuud.

Labada mas’uul ayaa ka wada-hadllay arrimo muhiim ah oo la xiriira geedi-socodka doorahada 2020 illaa 2021-ka.

Kulanka oo ka dhacay hoyga uu Muqdisho ka deganyahay Xasan Sheekh ayaa waxaa si gaar ah loogu lafa-guray maareynta marxaladda kala- guurka ah, si hannaanka doorashadu u noqdo mid wada-ogol ah, loona dhanyahay islamarkaana loo simanyahay.

Hoggaanka Galmudug ayaa gundhig u ah geedi-socodka doorashadan, oo dhanka ka qeybgalka dadweynaha iyo deegaan doorashadaba kaga ballaarran middii 2016.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this