Deeq A. Posted November 19, 2020 Madaxweynaha dowlad goboleedka Soomaalyeed ee Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor) ayaa xalay kulan gaar ah la qaatay madaxweynihii hore ee Soomaaliya, ahna hoggaamiyha Xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarka Mudane Xasan Sheikh Maxamuud. Labada mas’uul ayaa ka wada-hadllay arrimo muhiim ah oo la xiriira geedi-socodka doorahada 2020 illaa 2021-ka. Kulanka oo ka dhacay hoyga uu Muqdisho ka deganyahay Xasan Sheekh ayaa waxaa si gaar ah loogu lafa-guray maareynta marxaladda kala- guurka ah, si hannaanka doorashadu u noqdo mid wada-ogol ah, loona dhanyahay islamarkaana loo simanyahay. Hoggaanka Galmudug ayaa gundhig u ah geedi-socodka doorashadan, oo dhanka ka qeybgalka dadweynaha iyo deegaan doorashadaba kaga ballaarran middii 2016. View the full article Share this post Link to post Share on other sites