Sign in to follow this  
Deeq A.

Wareysi: Muxuu Rooble ka yiri dooda ka taagan guddiyada doorashada?

Recommended Posts

Deeq A.   

Kadib wareysi gaar ah oo uu ra’iisul wasaaraha Soomaaliya siiyey Shabelle TV ayaa waxa uu kaga hadlay arrimo dhowr ah, sida doorashada, ammaanka iyo qodobo kale.

Rooble oo su’aallo dhowr la hor-dhigay ayaa marka hore shaaca ka qaaday inay ka go’an-tahay qabashada doorasho xor iyo xalaal ah oo dalka ka dhacda 2020/2021-ka.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sidoo kale soo hadal qaaday dooda ka taagan dhismaha guddiyada doorashooyinka, isaga oo tilmaamay in lagu soo xulay karti iyo aqoon intaba.

“Waxaan maqlay ciidan ayaa ku jira, waxaan idin hayaa siifiiyadooda dadka aan soo xulanay hal qof oo hey’ad ka tirsan kuma jirto,” ayuu wareysigan ku yiri Rooble.

Sidoo kale wuxuu ugu baaqay musharraxiinta mucaaradka inay kalsooni muujiyaan, wuxuuna u ballan qaaday inuu ugu shaqeyn doono si hufan.

Ugu dambeyn Rooble oo sidoo kale wax laga weydiiyey hankiisa siyaasadeed iyo in ay ku jirto rajo ah in mar uun uu isku soo taago xilka madaxweynaha ayaa waxa uu hoosta ka xariiqay in damaciisa siyaasadeed uu ka weyn yahay xilka uu hadda hayo, laakiin wuxuu carabka ku dhuftay  in haatan uusan isu soo sharixi doonin madaxweyne, kana shaqeyn doono sidii u dhici laheyd doorasho la wada ogol-yahay oo xor iyo xalaal ah.

 

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this