Sign in to follow this  
Deeq A.

Faah faahino ka soo baxaya qarax ka dhacay duleedka Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qarax saaka ka dhacay qeybo ka mid ah wadada xiriirisa magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Qaraxa oo ahaa mid xoogan ayaa ka dhacay deegaanka Lafoole, sida ay Shabelle u xaqiijiyeen ilo dadka deegaanka ah.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in qaraxa lala beegsaday maqaaxi ay ku sugnaayeen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya.

Ma cadda illaa iyo hadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qaraxaas, waxaana goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Soomaaliya.

Wadada isku xirta labada magaalada ee Muqdisho iyo Afgooye ayaa waxaa badanaa ka dhaca weeraro qorsheysan oo ay ka fuliyaan dagaalyahanada Xarakada Al-Shabaab.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this