Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Qoor Qoor iyo Xasan Sheekh Maxamuud oo ka wada-hadlay doorashada

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor) ayaa saacadihii la soo dhaafay magaalada Muqdisho kula kulmay madaxweynihii hore ee dowladda federaalka, ahna hoggaamiyha Xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarka, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Labada mas’uul ayaa si gaar ah diirada u saaray geedi socodka doorashada soo soconta ee 2020/2021, waxaana kulanka uu ka dhacay hoyga Xasan Sheekh Maxamuud.

Sidoo kale labada dhinac ayaa isla soo hadal qaaday arrimo ku aadan dooda adag ee ka taagan guddiyada loo xil-saaray doorashada.

Qoor Qoor iyo Xasan Sheekh ayaa sidoo kale ka wada-hadlay maareynta marxaladda kala guurka ah ee uu haatan ku jiro dalka iyo sidii looga gudbi lahaa.

Madaxweynaha Galmudug oo hadda ku sugan Muqdisho ayaa horey ula kulmay madaxweynihii hore ee dowladdii KMG aheyd, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, iyagoo ka wada-hadlay qaddiyada doorashada iyo xaaladda siyaasadeed ee uu marayo dalkeena.

Si kastaba kulamadaan siyaasadeed ayaa kusoo aadaya, iyada oo uu weli muran ka taagan yahay doorashada Soomaaliya, gaar ahaan guddiyadeeda oo tabasho laga keenay.

The post Madaxweyne Qoor Qoor iyo Xasan Sheekh Maxamuud oo ka wada-hadlay doorashada first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this