Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Itoobiya oo bixisay amar lagu soo xirayo 76 sarkaal

Recommended Posts

Deeq A.   

Addis Ababa (PP) — War ku saabsan amar lagu soo xirxirayo saraakiil ayaa laga sii daayay Raadiyo Addis Ababa. Dowladda Itoobiya ayaa amartay in la soo xirxiro 76 sarkaal oo lagu eedeeyey khayaano qaran.

IMG-20201119-WA0008.jpg?resize=1000%2C75Gabre oo la taagan Barre Hiiraale iyo nin kale 2013kii.

Waxaa saraakiisha ka mid ah Gebregziabher Alemseged (oo Soomaalidu u taqaan Jeneraal Gabre) iyo Gaashaanle sare Asmelash Woldemihiret oo mar ahaa Qunsulkii Itoobiya u fadhiyay Garoowe.

IMG-20201119-WA0006.jpg?resize=1000%2C56Magacyada saraakiisha xabsiga loo taxaabayo

Labadan sarkaal waxay ka mid yihiin saraakiil ku go’doonsan Tigray oo ay dowladdu ku qaadday guluf weyn.

Gebre iyo Asmelash waxay ka mid ahaayeen saraakiishii Itoobiyaanka oo Soomaaliya awoodda badan ku laha ka hor 2018kii, markaas oo uu isbddel siyaasadeed ka dhacay Itoobiya.

IMG-20201119-WA0007.jpg?resize=1000%2C74Gabre (bidix) oo la taagan Raa’iisal Wasaare Cali Maxamed Geeddi 2007kii markii ciidammada Itoobiya Muqdisho soo galeen.

Wasiirkii hore ee Wasaaradsa Arrimmaha Dibedda Itoobiya ayaa dhowaan waraysi uu bixiyay ku baaqay in la afgambiyo Ra’iisal Wasaare Abiy Ahmed.

© Puntland Post, 2020

The post Dowladda Itoobiya oo bixisay amar lagu soo xirayo 76 sarkaal appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this