Sign in to follow this  
Deeq A.

Garaad Cabdullaahi Cali Ciid oo ku geeriyooday Turkiga

Recommended Posts

Deeq A.   
Garaad-Ciid.jpg?resize=960%2C540&ssl=1Garaad Cabdullaahi Cali Ciid

Alle ha u naxariistee, waxa maanta oo Khamiis ah waddanka Turkiga ku geeriyooday, Garaad Cabdullaahi Cali Ciid, oo kamid ahaa Isimada waaweyn ee degaannada Puntland.

Geerida marxuumka, waxa Puntland Post u xaqiijiyay xubno ka tirsan Qoyskiisa iyo mas’uuliyiin dowladeed, waxaana uu ku geeriyooday isbitaal ku yaalla magaalada Ankara ee caasimadda Turkiga, halkaas oo uu muddooyinkii dambe ku xanuunsanaa.

Garaadka oo ahaa Af-hayeenka Isimada Puntland, ayaa lagu xasuustaan doorkii wanaagsanaa ee uu ka qaatay Nabadaynta iyo Dib u-heshiisiinta Puntland, gaar ahaanna xilliyo ay socdeen colaado halis geliyay jiritaanka dowladda Puntland.

PUNTLAND POST

The post Garaad Cabdullaahi Cali Ciid oo ku geeriyooday Turkiga appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this